Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Qaraxyo ayaa xalay saq dhexe ka dhacay magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka Hiiraan.
Qaraxydan oo ahaa Miinooyin ayaa lagu xiray Saddex ka mid ah Soolarada cad cadeeda ku shaqeeya ee ku yaalla wado muhiim ah oo dhexmarta xaafada Hawlwadaag, gaar ahan wadadan waxay isku xirtaa Suuqa Xoolaha ilaa xaafada Liiq liiqato.
Dad ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay maqleen jugta Saddex Qarax, kuwaasi oo aad u xooganaa, intaasi kadibna ay dareemeen cabsi ku aadan qaraxyada dhacay, qaraxayadan ayaanan geysan khasaare nafeed, marka laga reebo Soolarada oo burbur uu soo gaaray.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay inay ku daba jiraan ragga falkan ka dambeeyay, waxayna tilmaameen inay ka soo horjeedaan bilicda magaalada, balse midaasi aysan ka aqbali doonin.