Faah faahinta Qaraxii ka dhacay Xarunta degmada Warta nabada

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo kamid ah Xaafadaha Magaaladda Muqdisho,waxaana lagu weeraray Xarunta Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka banaadir.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Gaari kuwa raaxadda ah uu xoog ku galay xarunta Degmadda Warta-nabadda,islamarkaana uu qaraxa ka dhacay gudaha xarunta.

Inta la xaqiijiyay afar ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxa lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir,waxaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen shacab kale iyo shaqaalaha Degmadda warar kalena waxa ay sheegayan inuu ku geeriyooday xoghayihii degmada.

Xiliga uu qaraxa ka dhacayay xarunta Degmadda waxaa ku sugnaa dad shacab ah oo masaakiin, oo maalmahaan halkaas loogu qeybinayay raashiin Bisha Ramadaan-ka  isticmaalaan.