Faah-faahinta Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Hodan gaar ahaan wadada Maka Al-mukarama aagga Isgoyska Xaaji Baasto, qarax gaari lagu xiray ayaa saakay wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxan oo ah nuuca loo yaqaan dhajiska, ayaa waxaa lagu qarxiyay gaari ay saarnaayeen laba ruux oo dhalinyaro ah, oo kala ah wiil iyo gabar, sida dadka degaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Gaariga oo marayay igsoyska Xaaji Baasto, ayaa markaliya uu qarxay, waxaana dhaawac soo gaaray wiilka oo darawal ka ah baabuurka, kaasi oo durba la dhigay isbitaalka Daarul-shifa.

Dadka degaanka waxa ay sheegeen inaysan aqoon labada ruux ee gaariga uu la qarxay, balse warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dadkan ay ahaayeen arday wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.

Ciidanka ammaanka oo tagay goobta ayaa xiray nawaaxiga goobta qaraxa gaariga uu ka dhacay, halkaasi oo baaris ay ka sameeyeen sida Sarakiisha ay xaqiijiyeen.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ee dhajiska loo yaqaan, ayaa waxa ay Shabaab ku xiraan gaadiidka ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya u shaqeeya.