Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa ay kuĀ dileen Guddoomiyihii Guddiga Garsoorayaasha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cusmaan Jaamac Diraac.
Diraac oo sidoo kale xubin ka ahaa xiriirka kubada cagta ayaa dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafada Xamar Bile ee degmada Wartanabada, waxaana la toogtay isaga oo ka soo baxay Masjidka.
Cusmaan Diraac ayaa markii hore waxaa dhaawac ahaan loogu qaaday Isbital Madiina, balse markii dambe ayaa la sheegay in dhaawacii soo gaaray u geeryooday.
Allaha u naxariistee Cusmaan Jaamac Diraac ayaa ku dhashay gobolka Galgaduud gaar ahaan dagmada Dhuusa-mareeb, wuxuuna mar u matalay xulkii gobolka Galgaduud Goolhaye, isagoo markii dambe ku soo biiray waaxda garsoorka markii ay dhacday dowladii dhexe Soomaaliya.
Xiriirka Kuabada Cagta Soomaaliya iyo dadka waaya jooga u ah Ciyaaraha ayaa Tacsi u diray dhamaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Marxuum Cusmaan Jaamac Diraac.
Kooxda dilalka geysata ayaanan u kala aaba yeelin goobaha ay dadka ku dilayaan, waxaana inta badan ay dadka qaar ku hor dilaan Masjidka dadka ay u tagaan soo gudashada Cibaadada Alle.