Faah-faahinta: Diyaarad Xamuul ah oo ku dhacday SH/Hoose

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay inay jirto diyaarad nuuca xamuulka qaadda, oo ku dhacday duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiye Ku xigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay heleen xogta ku aadan diyaaradan, gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Wuxuu sheegay ka hor inta aanay dhicin diyaaradaasi in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, shacabkana ay dareemeen cabsi.

Sidoo kale Guddoomiye C/fataax ayaa sheegay in Diyaaradan ay u muuqatay inay kor u kici la’dahay, sababo ku aadan diyaaradda oo loo maleynayo inay xamuul ka tan badan siday, ugu dambeyna ay ku dhacday degaanka Labiga Dhaadheer, oo ku dhow Xeradii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Kaba Hirig.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa intaas ku daray in Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo Booliska Degmadaba, ay kala warbixino qaadanayaan Saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka, ee ku sugan Garoonka Balli-doogle.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay In diyaaraddaasi oo aan la ogeyn nuuceeda iyo dalka laga leeyahay ay ku dhacday deegaan u dhexeeyo saldhigyo ay ku kala sugan yihiin Ciidanka dowladda iyo Al Shabaaab.