Faah faahinta dagaal xoogan oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan una dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Majabo oo hoostagta degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in halkaasi ay weerar ku qaadeen, waxana intasi kadib bilaawday dagaal u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkaas in kastoo aan weli la xaqiijin tirade daka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay intaba.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degamda Janaale ayaa sheegaya in xiligaan ay dareemaayan cabsi ku aadan, in uu saameyn ku yeesho dagaalkaas,waxaan dadka qaarkood ay bilaaben in ay barakacaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in ay haatan wadaan howlgallo ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha hoose.