Dagaal xoogan ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ururka Al-shabaab wuxuu ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Alifow iyo Gaal-gube.
Dagaalkan oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka qeyb ka ahaa Diyaaradaha Dagaalka.
Khasaare kala duwan oo labada dhinac ah ayaa ka dhashay Dagaalka, inkastoo ilaa hadda si rasmi ah aanan loo xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee khasaaraha lagu gaarsiiyay dagaalka ayaa waxaa dhaawacadooda la geeyay degmada Balcad, halkaasi oo ay ka soo qaaday Helicopter, waxaana loo soo duuliyay Muqdisho.
Warar madax banaan ayaa sheegaya Ciidamada waxyeelada ay soo gaareen ee la geeyay degmada Balcad in ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka.
Dhanka kale Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay la wareegaan degaaanka Basra oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka baxeen degaankaasi.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay gudaha u soo galeen degaaanka Basra, waxaana Shabaabka ay baaritaano ka wadaan saldhigyadii Ciidamada Dowladda.
Shabaab ayaa goob fagaare ah dadka degaanka isugu keenay, iyaga oo u jeediyay khudbado, waxaana jira dad shacab ah oo degaanka xaalad cabsi ah uga baxay, sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Xaalada degaanka Basra ayaa caawa waxaa ka taagan xaalad cabsi ah, maadaama dadka degaanka qaarkood ay ka soo barakaceen halkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxa ay dhowaan la wareegeen degaanka ay maanta ka baxeen, kadib markii ay Dagaal kaga qabsadeen ururka Al-shabaab.