Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayaa ku dhimatay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulka puntland iyo Galmudug uu ka qarxay Bariga Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Godad ee Gobolkaasi Mudug, wuxuuna u dhaxeeyay Maleeshiyad kasoo kala jeeda Labada Maamul.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana xiisadan ay aheyd mid mudooyikii u dambeeyay soo jirtay.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.