Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Ciidamada maamulka Jubbaland iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Miido oo hoostaga Afmadow, sidoo kalena xaga magaalada Kismaayo uga beegan 25-KM.
Ciidamada Jubbaland oo howlgalkan si aad ah isugu diyaariyay ayaa aroortii hore ee saakay waxa ay ka ruqaansadeen degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna dagaalka labada dhinac socday mudo saacado ah.
Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland aagga Afmadow oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhankooda, balse Shabaabkii ay weerarka ku qaadeen ka dileen laba Dagaalyahan.
Sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay hada in ay ku sugan yihiin degaanka Miido, Shabaabkii joogayna ay carareen.
Mahad Maxamed ayaa sheegay howlgalkan ay wadaan oo Shabaab lagula dagaalamayo amarkiisa in ay bixiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo saraakiisha Ciidamada Jubbaland.
Wuxuu sheegay in ay ku sii socon doonaan degaanada ururka Al-shabaab ay ka joogaan gobolka Jubbada Hoose iyo degaanada kale ee Jubbaland, si ammaan buuxa loo helo, shacabkana ay u nafisaan.