Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka lagu Magacaabo Ababaay oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose.
Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo la sheegay in ay kusii jeedeen degmada Baraawe.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi uu sababay Khasaare kala duwan.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidamada AMISOM ay kaga gubeen gaari taanki ah balse ma jirto ilo xog ogaal ah oo xaqiijinkara sheegashadooda.
Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi uu socday muddo Saacaddo ah , islamarkaana ay ku dileen Askar ka tirsan ciidamada AMISOM.