Faah Faahin: Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalo Mar kale ka Qarxay Buuraha Galgala

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen buuraleeydaasi kadib markii ay ciidamadu dareemeen dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Al-Shabaab.

Dagaal mudo saacado ah socday ayaa la sheegay in labada dhinac uu halkaasi ku dhexmaray,iyada oo ciidamada Puntland ay iska caabin xooggan kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee mudada dhowrka Sano ah ku sugan Buuraha Galgala iyo hareeraheeda.

Illaa hadda lama Oga Khasaaraha soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay,iyada oo Puntland Saraakiisha ay sheegayaan  in ay Al-shabaab ku jabiyeen Dagaalkii ay kula galeen Buuraha Galgala iyo deegaanada hoostaga islamarkaana ay burburiyeen fariisimahoodii.

Wararka hordhaca ah ee soo gaaraya Warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamada Puntland ay la wareegeen deegaanka Madarshoon oo Galgala ka xiga dhanka Haylaan ee isla Gobolka Bari in kastoo aan weli Al-Shabaab aysan ka hadlin.

Warbaahinta ku hadasha Afka madaxtooyada Puntland ayaa baahinayay in dagaaladii halkasi ka dhacay ay Guulo waaweyn ka soo hooyeen Ciidamada Puntland islamarkaana weli dagaaladu ay socdaan,waxana jirin Warar madaxbanaan oo cadeynaya sheegashada Saraakiisha Puntland ee Burburinta Goobo ay Buuraha Galgala kaga sugnaayeen Al-Shabaab.

Puntland aya haatan wajaheysa dagaalo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab,waxana Saraakiisha ciidamada Puntland ay horay u sheegeen in ay ka go’an tahay iska difaacida weerar kasta ee kaga yimaada dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab