Faah faahin: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Kenya

Qarax Miino oo geytay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degaanka Laamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, sida ay sheegeen laamaha ammaanka gobolka Waqooyi Bari.

Qaraxan ayaa haleelay Gaari ay saarneeyaan Ciidamo Kenyan ah iyo Arday, waxaana ku dhimatay 8 Qof oo isugu jirta Askar iyo Arday, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale oo Gaariga saarnaa.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay Qaraxan, waxayna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Todobaadyo ka hor waxaa Qarax Miino sidoo kale lala eegtay Ciidamo Kenyan ah, waxaana Qaraxaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Shabaab ayaa weerarada nuucaan oo kale ah waxa ay ka geystaan degaanada gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, halkaasi oo ay ku beegsadaan Ciidamada Kenya.