Faah faahin: Qarax ka dhacay Wadada Maka-Almukrama (SAWIRRO)

Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Garaashka Xaaji Baasto.

Gaariga qarxay oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ayaa la sheegay in la soo dhigay wadada dhinaceeda, kadibna laga shakiyay, sidaasina Ciidamada ammaanka ay ku xireen wadada, shacabkana ay uga digeen in ay u dhowaadaan gaariga.

Ciidamada ammaanka oo bilaabay xal u helista gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa mar qura waxaa qarxay gaariga, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta Goobsan u sheegay qaraxaasi in ay ku dhaawacmeen dhowr qof, kuwaasi oo xilligii uu qaraxa dhacayay goobta ka ak dhowaa.

Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay sheegeen halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeelobay qaraxaasi, goobaha caafimaadkana ay u gaarsiiyaan.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee goobta uu qaraxa ka dhacay, iyo in ay sameeyaan baaritaano kale oo dheeraad ah.

Shaqaalaha gobolka Banaadir u qaabilsan qeybta nadaafada ayaa durbadiiba waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay olole nadaafeed, oo lagu soo celinayo bilicda wadada, si shacabka ay u isticmaalaan.

Qaraxan, ayaa waxaa lagu sheegay mid ka mid ah qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhaca wadada halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.