Wararka naga soo gaaraya Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in qarax lagu xirey gaari noociisa uu ahaa PREMIO uu ka dhacay gudaha Degmadaas.
Qaraxaan oo ahaa nooca Gawaarida lagu dhajiyo ayaa ka dhacay Waaxda October ee degmada Waaberi gaar ahaan aagga Xarunta UNICEF.
Gaariga qaraxa lagu dhajiyay ayaa la sheegay in uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, oo xiligaas aan saarneen.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka degmada Waaberi C/qaadir Maxamed Cali iyo Askari ilaaladiisa ah, kuwaasi oo dadka ka celinayay wadada gaariga qarxay uu yaalay.