Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Boosaaso ayaa waxa uu ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn Saldhiga Ciidamada, Qaraxan ayaa waxaa fuliyay Qof Nafti Hore ah kaas oo doonayay inuu Waxyeelo u geysto Ciidamo ku sugnaa Saldhiga.
Goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa ku dhaw Albaabka hore ee Saldhiga bartamaha magaalada Boosaaso, waxayna Saraakiisha Amnigu xaqiijiyeen in ujeedadu ahayd in uu gudaha u galo ama banaanka isku qarxiyo.
Ma jiraan cid wax ku noqotay, waxaana goobta ahayd meel ay ku ganacsadaan Haween badan oo kamid ah Ganacsatada magaalada Boosaaso.
sida la xaqiijiyey qof ayaa bom ku soo qaadey gaarigacan Qofka bomka ku wadey gaari gacanka ayaa damcay in uu saldhigga bartamaha ee Bosaso la gelo gaari gacanka uu bomka ku wadey, kadib waxaa istaajiyey ciidanka, oo meel fog uga qayliyey, wax yar kadibna waa is qarxiyey.
Waxaa qaraxa ku geeriyoodey qofkii wadey bomka oo keliya, cid kale oo wax ku noqotey ma jirto.
Qofka qaraxa wadey ayaa waxaa si fiican loo garan karaa wejigiisa, sida ka muuqata sawirka hoose waxaana qaraxu ka diley qaarka danbe oo keliya.
Laamaha denbi baarista iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta soo gaarey, waxaana baaritaan lagu hayaa agabkii qofkaan watey iyo waxa uu yahay.