Faah-faahin Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye.

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay degmada Afgooye.

Sidda ay Warbaahinta Goobsan u xaqiijiyeen dadka degaanka ruux waday gaari Noha ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa beegsaday Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay Xaafadda Baar Ismaaciil, gaar ahaan Nawaaxiga Warshadii hore ee Itop ama Afafka hore ee Geerisha Sheekh Bana.

Waxaa jira Khasaare badan oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo dad shacab ah soo gaaray balse tirada saxda ah lama xaqiijin karo.

Gaariga Noha-da ah ayaa damacsanaa inuu isku qarxiyo Gaari  Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Dowladda balse sida ay dadka degaanku sheegayaan Askarta ayaa xabado ku furay Gaariga Noha sidaas ayuuna ku qarxay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.