Waxaa Qarax xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay meel ku dhaw xarunta Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa kadib ayaana la maqlay rasaas kooban oon la ogeyn cida rideysa.
Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in uu ahaa Miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, waxaana lala eegtay gaari uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, lamana oga in Xildhibaanka gaariga saarnaa iyo in kale.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu haleelay gaari uu leeyahay Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee Maxamuud Abuukaate, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamo katirsan dowlada oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Inta la ogyahay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa Saddex Qof, kuwaasi oo la sheegay in ay isugu jiraan dad shacab ah iyo Askar ilaalo u ah masuulkan Dowladda Federaalka ka tirsan.
Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay Qaraxan in uu ka badbaaday Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.