Faah-faahin kasoo baxeysa dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii kolonyo ay la socdeen ciidamada Jubbaland oo marayay duleedka Magalada Dhoobley ay weerareen Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayeen rasaasta ay isweey daarsanayeen labada dhinac basle aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa wax ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo la socday ciidamada Jubbaland  kaas oo Magaciise ay ku sheegeen Cabdi Fitaax Jeeni,isla markaana ay hubkii ka qaateen.

Marka laga soo tago Warka ka soo baxay Al-Shabaab weli dagaalkaas wax faah faahin ah kama bixin Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose.