Weli waxa rasaas ka dhex dhaceysaa Gudaha Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ee gobolkaan Banaadir kaas oo la sheegayo in rag hubeysan ay Gudaha u galeen.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa markii hore lagu dhuftay Albaabka hore ee Hotelka,waxaana intaasi kadib sida la sheegay Gudaha u galay rag hubeysan.
Ilaa iyo hadda rasaas ayaa laga maqlayaa Hotelka dhexdiisa,waxana weli la ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, balse dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in ay arkeen dhimashada dad ku dhow 9 qof halka dhaawacana uu intaas ka badanyahay.
Albaabka hore ee Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa lagu arkayay Meydka qof aad u Go’go’ay oo aan la fahmi Karin.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan,waxaana adag in la galo maadaama ay dadka soo celinayaan.