Faah-faahin kasoo baxaysa dagaal ka dhacay Bariga Mudug

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saaka ka dhacay deegaanada miyiga ah ee gobolka Mudug, dagaalkaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa xoogiisu waxaa uu ka dhacay Deegaanka Balliga Xaafoodle ee Bariga Gobolka Mudug waxaana dagaalku u dhaxeeyaa dhinacyo kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Inta illaa iyo hadda la maqlay waxaa dhimashadu maraysaa ku dhowaad toban ruux labada dhinac halka dhaawacuna kor u dhaafayo 20 ruux oo kasoo kala jeeda dhinacyadii dagaalamay.

Dhaawacyadii wax kusoo noqday dagaalka ayaa la kala keenay isbitaalada labada dhinac ee koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasi oo lagu kala daweynayo dhaawacyadaasi.

Masuuliyiinta Maamulka Labada dhinac, Culimada iyo Odayaasha ayaa ku baaqaya in la joojiyo colaada oo laga shaqeeyo nabadda.