Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka K/galbeed iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa ku bilowday sida la sheegay kadib markii qarax dhulka lagu aasay lala eegtay gaadiid dagaal oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Baay.
Inta la xaqiijiyey 1 qof ayaa ku dhintey dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, balse maamulka Goofgaduud waxa uu sheegay inaanu waxyeello geysan qaraxii Miinada ee dagaalkasi ku bilowday.
Siidow Cali Siidow, Guddoomiyaha Goofgaduud Buurey ayaa wuxuu sheegay in ciidanka K/galbeed ay iska caabiyeen weerarkaasi, xaaladda deegaankana ay tahay mid deggan.
“Nimankii nabad diidka ahaa ayaa weerar ku qaaday kolonyo aan la soconay, kadib waxaa xigay dagaal, balse ciidamada waa ay iska caabiyeen, dhankoodana khasaare ayaa soo gaaray.” ayuu yiri guddoomiyaha.
Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkaan ka dhacay Gobolka Baay ee dhexmaray ciidankooda iyo ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.
Mintidiinta Shabaab ayaa u gaarsi ku haayo ciidamada kala duwan ee dalka ku sugan, waxayna Shabaabka xoogooda joogaan Koonfurta Somaliya.