Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka magaaladaas.
Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Birta Dheer oo qiyaastii 14KM u jiro Garbahaarey, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerareen ciidamo ka tirsan dowladda oo howlo gallo miino baaris ka waday inta u dhaxeysa Garbahaarey iyo Buurdhuubo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsanayo hubka madaafiicda oo laga maqlayo qeybo ka mid ah Garbahaarey.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in dagaalka wali uu socdo, ayna jiraan khasaarooyin aan illaa iyo hada la sheegi karin.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku biireen dagaalka ka socda duleedka Garbahaarey oo saameyntiisa laga dareemay gudaha magaalada.
Deegaanka Birta Dheer ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaalo culus oo ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.