Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Xisilinta iyo Ciidamo Boolis ah ayaa galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhiga Booliiska Degmada Howl wadaag, waxaana la sheegay In ay ku dagaalameen labada ciidan oo kala shakiyey.
Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku dhimatay midi uu yahay Boolis halka midka kale uu yahay Nabad Sugida sida goob-joogayaal ah sheegayaan.
Xilliga iska hor imaadka dhacayay ayaa la sheegay in gaadiid iyo dad badan ay ku sugnaayeen goobta is-rasaaseyntu ka dhacay, iyadoo qaarkoodna ay ciidamadu baaritaan ku hayeen.
Lama sheegin waxyaabaha uu salka ku hayo iska hor imaadkooda.











