Ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar culus ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan gudaha degmadaasi.
Shabaab ayaa Saddex jiho ka weeraray degmada, waxayna gudaha degmadaasi kula dagaalameen ciidanka dowladda federaalka oo u muuqday in dagaalkan aysan u diyaarsaneyn.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay ku soo kaceen dhawaqa rasaasta xoogan ee ay isku adeegsanayeen ciidanka dowladda federaalka iyo Al Shabaabka weerarka soo qaaday.
Waxaa la xaqiijiyay dagaalkan inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa waxa ay xaqiijiyeen in dagaalkan ay kaga geeriyoodeen ilaa Saddex askari, tiro kalane ay kaga dhaawacmeen, waxay kaloo tilmaameen inay khasaare gaarsiiyeen xubnaha ka tirsan Shabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen gaadiid ciidanka dowladda ay leeyihiin oo halkaasi ku gubanayay, sidoo kale Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa waxaa lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Afgooye sida agagaarka Buundada Yar iyo fariisimo ciidanka dowladda ay leeyihiin.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay wadaan hawlgal lagu daba galayo xubnaha ka tirsan Shabaab ee weerarka soo qaaday.