Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Ethopia iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in weerar jidgal ah uu qabsaday kolonyo ciidama Ethopia oo ka yimid dhanka Feerfeer kunasii jeeday xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa wadada ugalay illaa Afar gaari Uuraal ah oo ciidamada Itoobiya wateen, dagaal culus kadib ayay xoogaga Al Shabaab usuurta gashay in ay gubeen hal gaari waxaana dagalka ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.
Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Ethopia ayaa la sheegay in ay u qaaday dhaawacyo iyo dhimasho dhanka deegaanka Janta Kuundisho oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin ciidamadda dowladda Itoobiya.
Al-shabaab iyo Ciidamadda Ethopia ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.