Faafhaain dheeri ah oo kasoo baxeysa dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleedyo.

Dagaalkan ayaa waxa uu ahaa mid u dhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, wuxuuna si gaar ah uga dhacay Degaanka Bali-busle.

Waxa uu Dagaalkan salka ku hayaa aanooyin qabiil, dhowr jeer ayuu sidan oo kale uga dhacay Degaanada Gobolka Mudug.

Inta la ogyahay Dagaalkan ayaa waxaa ku geeryooday 2 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 Qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta Gobolka Mudug.

Degaankan Bali-busli ayaa waxa uu dhacaa dhanka Waqooyiga Gobolka Mudug.

sidoo kale labadan beelood ayaa dagaalkooda soo laalaabtay mudooyinkan dambe ayagoona xoolaha iska dhaca taasna ay sababto inta badan iska hor imaad dhiig ku daato.

Gobolka Mudug ayaa ahaa meelahii abaarti xooganeed ay ku dhufatay ayadoona wali ay roobabku ku yaryahiin halkaas lagana dareemayo saamaynta abaarta.