Faah-faahin dheerad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal culus oo shalay dhexmaray ciidamada Ururka Al Shabaab iyo dagaalyahanada difaacaya wadaadka gooni goosadka ah ee Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan dagaalkaasi dhexmaray Shabaab iyo ciidamada Abuu Mansuur khasaaraha ka dhashay inta uu la eeg yahay.
Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay dagaalkaasi labada dhinacba inuu khasaare ka soo kala gaaray, waxaana uu sheegay inuu jiro gaadiid dagaalka intii uu socday lagu gubay aaga dagaalka.
Fiqi, ayaa sheegay Shabaab xilligii weerarka ay qaadayeen Afar jiho inay ka weerareen Roobow, waxaana ay kala yihiin, dhanka Gedo, Bakool, dhanka Hiiraan ciidan ka yimid iyo dhanka Jubbada hoose ciidan Xoog leh oo ka yimid.
Ciidamada Abuu Mansuur ayuu sheegay inay iska caabiyeen dagaalka oo difaac adag ay galeen, inkastoo markii hore la durjiyay ciidanka Abuu Mansuur, balse markii dambe ayuu sheegay ciidamada Abuu Mansuur inay soo qaadeen dagaal rogaal celis ah oo Shabaab ay isaga caabiyeen jabna ay ku gaarsiiyeen.
“Dhimashada waa ay badan tahay illaa 25 ayeey mareysaa, gaari dhanka Abuu Mansuur ayaa laga gubay waa xaqiijinaynaa, Khasaaraha intaasi waa uu ka sii badnaan karaa.” Ayuu yiri Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha maamulkaasi.
Fiqi, ayaa xaqiijiyay Koonfur Galbeed inay difaaceyso Abuu Mansuur iyo dadka deegaanka intaba, taasina ay tahay sida uu yiri masuuliyad saaran Maamulka Koonfur Galbeed.