Shabakadda Wararka ee Turkpress ee laga leeyahay dalka Turkiga waxaa shalay lagu soo daabacay Warbixin dheer oo Cinwaan looga dhigay Mustaqbalka Somalia ee hoos-jooga Saldhigga Milliteriga ee Turkiga.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Turkiga kaalinta 6-aad kaga jiro dalalka Saldhigyadda Milliteri ku leh Qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, iyadoo ay Maraykanka, Faransiiska, Britain, Japan iyo Shiinaha ku yeesheen Saldhigyo Milliteri.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inaysan taasi micnaheedu ahayn inay jidadka buuxiyeen Ubaxyo, balse ay jiraan dhowr caqabad oo lagala kulmi karo dhulka Kaymaha ee Bariga Afrika. oo ay ku jiraan Hodantinimadda Jilayaasha Caalamiga iyo Xaalladda Caalamiga ee Gobalka ee kala-qeybsanaanta Somalia.
Turkpress waxay soo xigatay Warbixin ay Xarunta Daraasaadka Aljazeera kaga digtay in Saldhigga Turkish-ka ee Somalia inay Khataro baahsan kala kulmaan jihooyin kala duwan.
Warbiintan ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay iska caabin iyo Foojignaan badan samayn doonaan taasna waxa ay sii murjineysaa Xaalada deganasho ee Soomaaliya.
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa ayadana Jahwareer kala kulmeysa Saldhiga Militari ee uu Turkigu ka hirgaliyay dalka Soomaaliya maadaama dowladda Itoobiya ay galaagal fiican ku leedahay Siyaasada Soomaaliya Muhiimna ay ka tahay Guud ahaan Wadamada Gobolka.
Sidoo kale Itoobiya ayaan ku faraxsanayn joogitaanka sii dheeraanaya ee Turkigu ku joogo Soomaaliya iyo waliba wal walka ah in Awwoda Militari ee Soomaaliya dib u dhis lagu samaynayo mar walba Itoobiya ayaa il gooni ah isaga haysa Caqabadaha uga imaan kara Saldhiga Militari ee Turkigu dhawaan ka furay Soomaaliya.
Ma ahan Itoobiya oo kaliya Wadamada sida gaarka ah ula socda Saldhigaas Militari balse waxaa jira wadamo badan oo Taxadar ka muujinaya Saldhigaas waa sida ay hadalka u dhigtay Turkspress.
Warbixintaan waxaa lagu xusay Wadamada Masar, Imaaratka Carabta, iyo Sacuudiga in ay danaynayaan Soomaaliya taasna ay Caqabad ku noqoto Amaanka Qaranka Wadamadan wax Tababaraayl ah kuma aysan soo kordhin 200 ee Macalin ee Tababari doona Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya.
Turkpress ayaa warbixinta ku soo gabagabeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay Dowladda Turkiga u arkaan mid rajo soo celinta dalka ka shaqaynaysa.