Ergayga Arimaha Bini’aadamtinimada Soomaaliya oo kulamo la qaatay Hay’adaha Gargaarka

Ergayga gaarka ah ee Arimaha Bini’aadantinimada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Wasaarada Qorsheynta, Xafiiska Qaramada Midoobe iyo Hay’adda Gargaarka ee UKaid.

Qoraal uu soo dhigay ergayga Bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Waxaan maanta kulamo kala duwan oo xog waraysi ah la yeeshay wasiirka Qorshaynta Md Jamaal Xasan, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo ku xigeenkiisa ahna xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula, safiirada Soomaaliya ku fadhisa dawlada Ingiriiska oo ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya dalkeena, ahna qalinhaya arrimaha Soomaaliya.

Waxaan isla qirnay in xadiga abaaruhu ay aad u waynyihiin, mudnaanta koowaadna ay noqoto gaargaarka dadka abaaraha ku waxyeeloobay iyo in aysan u gudbin heer macluul.” ayuu yiri.