Eng. Yariisow oo dhagax dhigay Xarunta Degmada Wadajir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa maanta oo Khamiis ah dhagax dhigay xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo aad u burbursan.

Munaasabadda dhagax dhiga aheyd ayaa waxaa Duqa Muqdisho kala qeyb galay Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

Cumar C/laahi Xasan Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Eng. (Yariisow) uga mahadceliyay dhagax dhigan, wuxuuna sheegay shacabka degmada in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska degmada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in dhowaan uu bilaaban doono dhismaha xarunta degmada Wadajir, si loo dardar geliyo adeegyada buslahada ay u heysay xarunta.

Ismiidaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo kaxeynayay gaari caasi, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa beegsaday 20-kii June 2017 xarunta degmada Wadajir, xilli Maamulka Degmada uu shir la lahaa ururada bulshada ee ka dhisan Wadajir.