Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo la joojiyay.

Warar lagu kalsoon karo oo aan ka helnay Ilo kala duwan ayaa sheegaya in duulimaadyadii tooska ahee ee Muqdisho iyo Nairobi la hakiyay, kaddib amar ka soo baxay dowladda Kenya.

Sida wararku sheegayaan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho ee toos uga degi jiray garoonka diyaaradaha Nairobi ayaa wixii berri ka bilowda waxay mari doonaa Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasoo 10-kii sano ee u dambeeyay ay mari jireen Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya.

Mid ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ayaa sheegay in wixii ka bilowda 10-ka bisha May oo ku beegan maalinta berri lagu wargeliyay in diyaaradahooda ka yimaada Muqdisho ay maraan Garoonka Wajeer, si loo hubiyo.

Lama oga go’aanka waxa uu salka ku hayo, iyadoo dhowaan uu caadi ku soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii uu xumaaday bishii February ee sanadka.

Labadii sano ee u dambeysay ayaa diyaaradaha ka duula garoonka Muqdisho waxay toos uga degi jireen garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, kaddib heshiis dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh la gashay Kenya oo ahaa in diyaaradaha ka baxa Wajeer ay toos uga degaan Garoonka Joma Kenyatta, halkii markii hore ay sii mari jireen Garoonka Wajeer.