Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo dib u billowday(SAWIRO)

Waxaa maanta si toos ah loo bilaabay duullimaadkii Diyaaradaha Rakabka ee isaga kala gooshi jirey Caasimadaha Somalia iyo Kenya,

Arintan ayaa timid kadib isbuucii hore ay Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Kenya ay isla gaareen dhowr Heshiis oo ay ku jirtay in la bilaabo Duullimaadka Diyaaradaha sida tooska ah isaga kala goosha Muqdisho iyo Nairobi oo la xayiray mudo haatan laga joogo 10-sanno.

Diyaaradda African Airways ayaana Dhoofayaashii ugu soo horreysay keentay Muqdisho, kuwo kalena u qaaday Nairobi.iyakoo aanan aanan sii marin Wajeer,

Heshiiskan labada Madaxweyne ee Kenyatta iyo Soomaaliya u muuqda mid dhaqangalay. Waxayna meesha ka saartay Dhaqan-gelin La’aanta Heshiiskii ay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ku kala saxiixdeen Muqdisho bishii   September 13-dii ee sannadkii 2016.

©Goobsan  Media