Home Somali News Duqeyntii ebid ugu waxyeelada badneed Shabaab iyo 70 dagaalame oo lagu dilay

Duqeyntii ebid ugu waxyeelada badneed Shabaab iyo 70 dagaalame oo lagu dilay

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay guutada Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Idaacadda  Fana ee ku taalla Addis Ababa ayaa sheegtay in duqeyntan ay ciidamada Ethiopia u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay Al-Shabaab qorsheynaayeen.

Weerarkaasi ayaa lagu soo qaadi rabay guutada ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee AMISOM.

Idaacadda Fana ayaa soo xigatay Taliyaha ciidamada cirka ee Ethiopia General Yilma Merdassa, oo sheegay in duqeynta ay aheyd mid qorsheysneyd oo laga baaraan deggay, isla markaana 100% ujeedadii ay ka lahaayeen ay gaareen.

Ethiopia ayaa qeyb ka ah dalalka ciidamada ku yaboohay howlgalka AMSIOM. Waxaana ay ka howlgalaan qeybta 3aad ee Gobolada Bay iyo Bakool.