Duqeyn lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday gobolka Jubadda hoose.

Duqeyn ka dhacday gobolka Jubadda hoose ayaa lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

3-Juun 2022 dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika oo iska kaashanaya ayaa howlgal dhanka cirka wax ay ka fuliyeen deegaanka Beer-xaani ee gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta ayaa lagu dilay Shan ka mid ah Argagixisada Al-shabaab, iyadoo aysan jirin wax Khasaare ah oo gaaray dad shacab ah.

Howlgalkan ayaa looga goleeyahay sidii looga hortagi la’haa qatarta argagisixda Al-shabaab.