Duqeyn culus oo lala beegsaday xubno katirsan Alshabaab

Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ka dhan ah  Al-Shabaab waxay ka fuliyeen deegaanada Buuraleyda Goolis ee Waqooyi bari Soomaaliya.

Duqeynta oo dhacday July 27, 2019,ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay mid ka mid ah Sartaakiisha Al-Shabaab oo ku sugnaa Buuraleyda Golis.

Sidoo kale duqeyntaasi ayaa la sheegay Ineysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka ka soo gaaray.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay xoojisay duqeynta ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan degaano ka mid ah Soomaaliya.