Duqayn xalay ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay xalay galinkii dambe ay duqeymo xoogan ka geysteen deegaanka Tooratoorow.

Duqeynta ayaa aheyd Mid xooggan, Degaanka Tooratoorow ayaa waxaa ku sugan  Al-Shabaab, ayadoona shalay ay u ahayd maalin dagaal degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda lama Oga Cida leh Diyaaradaha Dagaalka ee Xalay Duqeynta ka Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose,balse Weeraro nuucaan oo kale ah,waxaa Gobolka Dhowr jeer ka geystay  Diyaaradaha Dowladda Mareykanka.

Waxii faah faahin ah ee kusoo kordhaa kala soco Goobsan.com