Duqayn lala beegsaday deegaan ay ku sugnaayeen Daacishta Soomaaliya

Wararka ka imaanaya degaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn, loo maleynayo in lala beegsaday madaxda kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

Degaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaastii 60-KM u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka degaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

VOA