Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn ay ka geysteen degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado,
Warar aan ka helayno degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday tuulooyinka Garilay iyo Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gado.
Duqeynta ayaa la sheegay in lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo,
Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war kasoo baxay wadamada laga leeyahay diyaaradaha duqeynta fuliyay.
©Goobsan Media