Ciidanka Difaaca Dalka Uganda ayaa markii ugu horeysay u soo direy Soomaaliya diyaarado duulimaad ah si ay u taageeraan howlgalka nabadda Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.
Diyaaradahan Dagaal ee loo soo diray Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxa ay ka saacidi doonaan Sahminta goobaha Howlgalada, Daadgureynta Ciidamada iyo Duqeymaha lala beegsanayao Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda iyo Taliyaha Ciidamada Cirka Gen. Jim Owoyesigire Aronda ayaa sheegay Helicopter-s iyo Sahay kale oo Millitari in ay ku wareejiyeen Markab uu leeyahay Midowga Afrika, kaasi oo shalay soo baxay.
Gen. Owoyesigire ayaa sheegay in helicopter-yada loo adeegsan doono in lagu taageero ciidanka dhulka ah iyada oo la waafajinayo waajibaadka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in wax badan uu ka bedeli doono Holwgalka.
“Mar walba waxa naga go’an taageerada Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Argagixisada, Sahaydan Millitari waxay wax ka bedeli doontaa Howlgalka AMISOM, ujeedkeenu waa Soomaaliya oo nabad ay ka dhalato, loogana yimaado caalamka.” Ayuu yiri Gen. Owoyesigire.
Uganda ayaa 23-kii bishan sheegtay Ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah iyo in loo kordhiyo waqtiga, si loo kordhiyo soo kabsashada dalka.