Waxaa magaalada muqdisho soo gaaray ciidamo ka socda wadanka Uganda kuwaas oo ah ciidamadii dheeriga ahaa ee Uganda ay balan qaaday waxaana maanta qaybti u horaysay ciidankaas ay kasoo degteen garoonka Aden Cadde waxayna qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM, waxayna si gaar ah ciidamadaan ugu howlgeli doonaan dekedda Muqdisho, xarunta baarlamaanka federaalka, madaxtooyada, garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyo xerada AMISOM ee Xalane.