Dowladda Sweden oo Xabsi Casri ah u dhisaysa Maamulka K/Galbeed

Waxaa shalay magaalada Baydhabo gaaray Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo, Masuukan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan.

Kulankan ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen arrimo muhiim ah, sida in Dowladda Sweden ay Koonfur Galbeed ka caawiso dhinaca Maxkamadaha, sidoo kale Xabsi casri ah ayay dhisi doontaa Dowladda Sweden.

Xabsigan oo ah mid qarash badan ku bixi doono ayaa waxa uu noqonayaa xabsi leh adeegyo dhamays tiran oo wax badan ka saacidi doona Maxaabiista.

Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Waxa uu sheegay Wasiir Xasan in Dowladda Sweden ay horey mashaariic uga hirgelisay Degaanada Koonfur Galbeed, hadana ay ka rajeynayaan in ay ka dhabeyn doonto balan qaadkeeda.