Dowladda Soomaliya oo sheegtay in 100 Dagaalamayaal Al shabaab ah lagu dilay degmada Awdheegle.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, oo ay ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga SSoomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalkan uu si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo godad ay ku dhuumanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Intii uu socday howlgalku, kumaandooska Danab waxay dileen in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil muhiim ah. 

Warka Wasaaradda ayaa intaa la raaciyay in Al shabaab kii la bartilmaamaysaday Godadkoodii iyo difaacyadoodii dhulka hoostiisa ahaa lagu burburiyay duqeymo cir iyo dhul isugu jiray, halka ciidanka Danab ay dhanka dhulka ka galeen si ay u xaqiijiyaan gacanta buuxda ee deegaankaas.

Warbixino sirdoon ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay qorsheynayeen inay iska caabiyaan Howlgalka Duufaanta aamusan, oo ah duullaan ballaaran oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada AUSSOM ee ka howlgala guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Weerarkan ayaa dharbaaxo culus ku noqday Al-Shabaab, waxaana uu daba socdaa guulo is xigxigay oo laga gaaray deegaannada Sabiid, Caanoole, iyo Bariire” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda.