Dowladda Soomaaliya oo UK ka codsatay in laga fududeeyo cunaqabateynta hubka

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska, Ed Barnett.

Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo Alshabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliya ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo uu wasiirku sheegay inay laf-dhabar u tahay dadaalka loogu jiro ciribtirka Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka.

Sii hayaha Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya  Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
CEO and founder: Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com