Dowladda Soomaaliya oo soo daabacaneysa Lacago Cusub oo Shilin Soomaali ah

Shabakadda ka faalloota Arrimaha Ganacsiga ee businessdailyafrika.com ayaa qortay inay DFS doonayso inuu hawshaasi u qabto Khabiir fadhigiisu yhaay Nairobi, kaasi oo ay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF kula heshiisay inuu farsameeyo Lacago cusub oo Shillin Soomaali ah.

Tallaabadan ayaa la sheegay in looga dan leeyahay sidii loo helo lacago lagu bedelo Shillin Soomaaliga haatan ee duugoobay.

Somalia wax lacag rasmi ah ma lahayn tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe bishii Janaayo ee sannadkii 1991-kii.

DFS waxay u sheegtay Kooxda Dib-u-eegista ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee  IMF oo ay bishii hore kula kulmeen magaalladda Nairobi qorshaha lagu soo daabacayo Shillin Soomalaida cusub, iyadoo la isla eego jadwal-shaqo ee arrintaasi, waxaana la magacaabay Guddi gacan ka geysta hawlaha lagu samaynayo Lacagta Cusub.

Shabakadda businessdailyafrika.com waxay qortay inay DFS u sheegtay Hay’adda IMF in  loo bahan yahay ilaa 41 million oo Dollar oo lagu fulin lahaa Mashruuca daabacaadda Lacagta cusub ee Somalia.

Wejiga Koowaad ee qorshaha Isbedelka waxay DFS doonaysaa inay arkaan in la soo daabaco 752.5 million oo Lacagta Shillin Soomaaliga ee Xaashida ama Nootka ah, taasi oo lagu beddeli doona  Wareegga Shillin Soomaaliga haatan la isticmaalo.

Lacagtan cusub waxay u saamixi doontaa Bangiga Dhexe ee Somalia inuu dhisto Kayd difaac ee Lacagtiisa u gaarka ah  iyo in la sameeyo Nidaamka Dhexe ee Lacag-bixinta iyo in la xoojiyo Nidaamka Sharciga ee Bangiyadda ka jira dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Wejiga Labaad ee Isbedelka Lacagaha waxay Somalia daabacan doontaa Lacag badan oo tayo leh iyo horumarinta Siyaasadda ee Lacagta Madaxa-bannaan iyo Maaraynta Kaydka Lacagaha dalka Somalia.