Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu dilay dhowr horjooge oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo uu ku jiray xubin si gaar ah loo doonayey.
Mid ka mid ah horjoogayaasha la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Xiirey ayaa la tilmaamay inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaasha sare ee Alshabaab, isla markaana ka dambeeyay sida hadalka loo dhigay falal argagixiso iyo dhagaro ka dhacay deegaannada Hirshabeelle.
Sidoo kale, Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xubno sida la carrababay dhibaateeyay dadka Hiiraan, iyada oo hadda si gaar ah loo beegsanayo horjoogayaasha.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada iyaga iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ku sugan si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo la-dagaallanka kooxda.