Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo ay dib loogu soo celinayso dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyadda dalka Liibiya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub sidoo kalena ah Wakiilka dowladda ay u xilsaartay qaxootiga ku dhibaateysan Liibiya ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo ku xiran Xabsiyadda dalkaasi.
Cali Saciid Fiqi ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaalida qaarkood aysan ogoleyn ay kusoo laabtaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan in ay halkaasi kasii baxaan marka la sii daayo.
Maalmihii lasoo dhaafay ayuu xusay in ay booqdeen xabsi ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 90 , islamarkaana qaarkood ay diideen in ay kusoo laabtaan Soomaliya.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed dalka Liibiya.
Soomaali badan oo tahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaa soo doonaayay in ay kasii aadaan dalalka Yurub ayaa sanooyin badan ku xiran xabsiyadda dalka Liibiya.