Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa inay balaariso Magaalada Muqdisho

waxaa sii xoogeysanaya warar sheegaya in la balaarinayo magaalada Muqdisho taasoo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu aqbalay qorshe cusub oo ay waddo xukuumadda kheyre kaasi oo ah in la ballaariyo magaalada Muqdisho.
Xogtu waxay sheegeysaa in Muqdisho la kala geyn doono illaa iyo Afgooye iyo sidoo kale illaa Ceelmacaan, inta ka dhaxeysana ahaan doonto magaalada.
Waxaa Muqdisho lagu dari doonaa Labo degmo oo dheeraad ah, maadaama hadda ay tahay 17, waxaa laga dhigayaa 19 degmo.
Degmada Garasbaaley ee la doonayo in la sameeyo qorshaheedu waaba dhammaad, waxaase dhimman in la diyaariyo qorshaha degmada Cisaley.
Lama oga maamullada halkaasi ka jira sidey ku aqbali lahaayeen arrintan, hase ahaatee waxaa suurtagal ah in shacabka halkaasi deggan ay aqblaan.