Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada qorsho ay ku soo daabaceyso lacag Cusub oo shilin Soomaali ah si loogu bedelo lacagtii hore oo hada noqotay mid duugoowday.
Mahdi Maxamed guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya ayaa sheegay in guddiga dhaqaalaha iyo Wasaarada Maaliyada Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxda Bankiga Dhexe la qorsheynayo in ay soo sameeyaan lacag cusub si Shacabka soomaaliyeed u isticmaalaan.
Waxaa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in macquul ahaan loo baahn yahay in lahelo Warshado yar yar oo kaalin weyn ka qaata soo daabicida Shilinka Soomaaliga si dadka loogu celiyo.
Arintan ayaa kusoo aadeysa ayadoo qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa Maalmahaan ka jiray buuq ka dhashay lacagta Shilinka Soomaaliga oo meelaha qaar laga diiday in laga isticmaalo.