Dowladda Soomaaliya oo Kafaalo qaaday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadi Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xalay booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay lala beegsaday Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Ra’iisul wasaare Khayre oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray dadkii ku Naf-waayay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada aan dalka waxba lagaga qaban karin ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa, Kuwa dalka lagu daaweyn karana ay Dawladdu kafaalo qaaday.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto dadaallada lagu xaqiijinaayo Ammaanka Caasimadda.