Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si adag uga shaqeynayso la dagaallanka xagjirnimada iyo sugidda ammaanka xuduudaha iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, sida uu sheegay Agaasimaha Guud, Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow, oo la hadlay wakaaladda wararka Anadolu oo laga leeyahay dalka Turkiga.
Mustafe Dhuhulow ayaa sheegay in hay’addu si gaar ah xoogga u saareyso ka hortagga xubnaha Al-Qaacida, ISIS iyo Al-Shabaab si aanay dalka ugu soo gudbin ama uga bixin. Saddex bilood ka hor ayuu agaasimuhu sheegay inay hirgeliyeen nidaamka PISCES, oo ay Mareykanku taageereen, kaas oo xaqiijinaya inaan qofna dalka uga bixin ama ugu soo gelin iyadoo aanay jirin diiwaan rasmi ah. Wuxuu intaas ku daray inay heshiis la galeen Interpol si loo adeegsado liiska kormeerka caalamiga ah.
Sidoo kale wuxuu xusay in hey’addu xiriir dhow la leedahay dalal ay ka mid yihiin UK, Jarmalka, Iswiisarlaand, Norway iyo Finland, kuwaas oo ballan qaaday inay sii xoojinayaan iskaashiga dhinaca socdaalka iyo amniga.
Markii uu ka hadlayay kaalinta Turkiga, Dhuhulow wuxuu ku tilmaamay in Turkigu yahay xulafo aad ugu dhow dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo ku sifeeyay walaal muddo dheer garab taagan Soomaaliya.
Dhuhulow wuxuu hoosta ka xarriiqay in hay’addu si adag uga shaqeyneyso la dagaallanka xagjiriinta. Waxa uu xusay in hay’addu hubiso inaanay jirin socdaalayaal sharci-darro ah oo ka imaanaya ama u socda Soomaaliya, isla markaana dadaallada socda ay horseedeen in socdaalka Soomaaliya uu noqdo qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka dowliga ah